Dhal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-lal/-llal, m.l)

1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

Dhal

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-alay, -ashay)

1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

Geel dhalaan qaaday ma dheera.*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Nin seexday siciisa dibi dhalay*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dhal

aabbe | ubax | ubaxow | baabasiir | kaaddhal | kaaddhalnimo | eeddo | kaalsiyam | laaf | laakee |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg