dhammaystiran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax la ebyey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhammaystiran ↴
dabar-ayoon [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.
dhammaystirnaan [m.f.dh]
eeg dhammaystiran. ld dhammaystirnaansho.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg