dhaqaaq
(m.l)

Bilaabidda wax taagani ay socod bilaabaan. ld dhaqaaqid.

dhaqaaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

1. Wax taagnaa socod bilaabid. 2. Subag, xayr iwm dhalaalid. 3. Ku d.: Hawl iwm wax ka qabashadeeda bilaabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqaaq

aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.

aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow ool, oollow

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.

unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.

wabaxtaraar [m.l]
Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.

abbaato [m.dh.fk]
Hor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus. “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.

bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

barabbax [m.l]
(fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.

baraf-durduro [m.l]
(juqr.) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg