Dhig
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
Dhig
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-go, m.l)1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
Dhig
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-go, m.l)(juqr.) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
Dhig
Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-gay, -gtay)1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
Dhigane*
1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo qoraal ku qoran yahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, Garbad leh oo aan wax ku qorneyn.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dhig ↴
aad | eber sugan | ta | ubaxdhig | ka | saabaan | saabbuun | gaabso | gaad | kaadi |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg