dhirindhir
(m.l)(bot.) Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhirindhir ↴
aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga
qaaday walax adke ah sida dhererka (l),
ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.)
“Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka
xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo
xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro
habboon.
dhamaajo [m.dh]
Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹.
dheddin [m.l]
Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. ld dhiddin.
dhirindhiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.
dhirindhirin [m.f.dh]
eeg dhirindhiri.