Diiq

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. ld diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.

Diiq

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Cunto, dhar iwm aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iwm. 2. Allabbari dad isu keenaan. ld diiqo.

Diiq

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-qay, -qday)

1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.

War-diiq*

Micnaha ereyga war-diiq waa telephone-ka ama mobile-ka gacanta, hadii aynu labada kalmadood kala qaadno (war=wax sheegid ama wax la soo tabiyey. Diiq= cidhiidhi ama wax dhib ah.) mararka qaarna marka mobile-ka laga hadlayo weynu diiqadoonaa iyadoo war leynoo sheegayo.. markaa sidaa darteed baan u idhi (war diiq) maadama oon erey bixin sax ah loo hayn..     Waad mahadsantihiin...


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga diiq

abuudiiq | banaadiiq | baroordiiq | baroordiiq | baroordiiqid | caanaddiiq | caanaddiiq | caanaddiiqid | caanaddiiqis | diig |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg