dix
(m.dh)Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dix ↴
adaadixid [m.f.dh]
eeg adaadax².
bidix [m.dh]
Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
bidixee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-xeeyay, -xeysay)
1. (f.g) Wax si hagar leh u sameyn. 2. (f.mg) Ka b.: wax dhanka bidix ka marid.
bidixeyn [m.f.dh]
eeg bidixee.
ciyibidix [m.dh]
Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo.
culaacul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.
daaruqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qeysay)
Boog dixri ku dhalin (diqsi).
dhagaxdixeed [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-dyo, m.l)
Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
dhase [m.l]
Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhuudhi [m.l]
1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.