dixiri
(m.l)

Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dixiri

culaacul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.

dhase [m.l]
Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.

dhuudhi [m.l]
1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.

dirxi [m.l]
ld dixiri.

dixri [m.l]
ld dixiri.

maqal [m.l]
1. Awood dheguhu wax ku dareemaan. 2. ld maaqal (1) Khaanad ku samaysan armaajo, miis iwm oo wax lagu rito. 3. Dixiri yaryar oo digada xoolaha ka dhasha; maqli.

tirxi [m.l]
ld dixiri.

tixiri [m.l]
ld dixiri.

tixri [m.l]
ld dixiri.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg