galab
(m.dh) (-lbo, m.l)Gelinka dambe ee maalinta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh galab ↴
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
cadceed [m.dh]
1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
caddaato [m.dh]
Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay.
carraabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
carraabo [m.dh]
Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. ld carrowtiin.
galabaysad [m.l]
ld galabaysasho.
galabaysasho [m.f.dh]
eeg galabayso. ld galabaysad, galabaysi.
galabaysi [m.l]
ld galabaysasho.