halgan
(m.l)

Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo.

halgan
(m.dh)

Herinta inta ugu toog badan marka hargaantiga laga reebo.

halgan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Wax u dagaalamid ama u loollamid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halgan

halgamid [m.f.dh]
eeg halgan³.

kifaax [m.l]
1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg