hay
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-yay, -ysay)1. (f.g) Wax xafidid. 2. (f.mg) La h.: wax kahelid. 3. (f.mg.) U h.: rati, hal abaahisiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hay ↴
aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aah [Erey Dareen | Exclamation]
Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah². ah
ibajitaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax ibajito hayso ahaansho (neef geel ah).
daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo
leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog
wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo
ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta
wax guntooda la ogyahay. ogaan
udaabtahays [m.dh]
Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays. gowracato, ugaabdays
waabaayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.
yaabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax yaab hayo ahaansho (qof). ld yaabban. yaabban
haadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid dhibaato haysata darteed uga faa'i ideysasho.