heen
(m.l)

1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.

heen
(m.dh)

Subagga fuudka ama maraqa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heen

gaaddaxir [m.l]
Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.

bayd [m.dh] (-do, m.l)
1. Xarig ama suun xoolaha la rarayo ama heensaynayo gardaadka looga xiro si uu rarka ama koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.

dheen [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada.

duudi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin.

heemaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax heensasho.

heemaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax heensasho. 2. Wax dufan ka qaadasho.

heemi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.

heensad [m.l]
ld heensasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg