hornaq
(m.l)(c.cimi.) Waqti xagaaga ama jiilaalka ah marka qorraxdu dul joogto barta ugu fog woqooyiga ama koonfurta badhaha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hornaq ↴
xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).
buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
jiilaal [m.l] (-llo, m.dh)
(c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).