hortag
(m.l)

ld hortegid.

hortag
(Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive)

1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid dan laga leeyahay u tegid. 2. (f.mg) Ka h.: wax agtooda ka fogaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hortag

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

daafacaad [m.dh]
Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

olmon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-omay, -ontay; -omi)
U o.: wax awood u leh in uu ka hortago wax kale noqosho.

Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.

aqoon-beereed [m.dh]
(c.beer.) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.

asaraartan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La a.: cid, cid kale oo muran wadda asaraar kala hortagid.

bacaadcelin [m.dh]
Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.

badbeed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Si toos ah wax uga hortagid.

cadaadis-siimow [m.l]
(baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg