kalkaal
(m.l)Gargaar; kaalmo; taageero; waxtar.
kalkaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)Cid taageero u fidin ama wax tarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalkaal ↴
laaktays [m.l]
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
gargaar [m.l]
1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar.
kalkaalid [m.f.dh]
eeg kalkaal².
kalkaaliso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
kalkaaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Nin loo tababbaray inuu kaalmeeyo dhakhtarrada.
nikal [m.l]
(kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.