gargaar
(m.l)1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar.
gargaar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)U g.: cid taakulayn. ld gergaar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gargaar ↴
kaaliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
tabantaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid u gargaarid; kaalmayn.
birmad [m.l]
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.
carceero [m.dh]
1. ld ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar.
ciidan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
U c.: qof, cid u gargaarid.
deddatir [m.l]
1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir. ld deddatirid.
deddatir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley dhaxamaysan diirrimaad siin. 2. Qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey si degdeg ah u gargaarid.
gargaar-degdeg [m.l]
(daaw.) Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifi.