kayn
(m.dh) (-ymo, m.l)

1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.

kayn
(m.dh) (-ymo, m.l)

(juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kayn

yakayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yakee.

yookayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yokee.

adkayn [m.f.dh]
eeg adkee.

alkayn [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.

ashtakayn [m.f.dh]
eeg ashtakee. ld ashkatayn, astakayn.

astakayn [m.dh]
ld ashtakayn.

barakayn [m.f.dh]
eeg barakee.

bukabbukayn [m.dh]
1. ld bukayn. eeg bukabbukee. 2. ld buhabbuhayn.

bukayn [m.dh]
ld Bukaysiin; bukabbukayn.

cawsley [m.dh]
(juqr.) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg