Keenna

Qaabnaxa: mu.lh.l Isrogrogga:

(kuweenna, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”. .

Keenna

Qaabnaxa: dk.lh.l Isrogrogga: (-keenna)

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Aan aadno gurigeenna”. ld keen³.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga keenna

kaadishiil | keen | kuweenna |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg