Lamaddegaan
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-nno, m.dh)Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
Lamaddegaan
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-nno, m.dh)(juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga lamaddegaan ↴
laas | bacad | cawsley | cimilada lamaddegaanka | dabayleed | hammada | harmataan | tog |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg