majin
(m.l)

Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.

majin
(m.dh) (-jamo/-jo/-anjo, m.l)

1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh majin

dhuuntow [m.l]
Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.

koxdin [m.dh]
Xiddig naafaha ka mid ah, oo u dhexeysa majinta iyo dirirdayga.

majimow [m.l]
ld majin¹.

majinow [m.l]
ld majin¹.

mijin [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld majin².

nadalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xirmo qaad ah oo majin ka yar.

qun [m.l] (-uman, m.l)
1. Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga yaal middood. 2. Xanuun qanjirrada afka salkiisa ku yaal ku dhaca; majin; majinow; xoqato. 3. Duleelka yar ee wax laga arko ee diiradda. 4. Si toos ah oo aan laalaabasho lahayn.

shansho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg