Ogsidhayn

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga ogsidhayn

ogsidheeye | biraha-alkaali | biro-dhuleed-alkaliin | gulukows | hoos-carreed | kaarboon hal-ogsaydh | tilmaame | weji ogsidhayn |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg