Tilmaame

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-mayaal, m.l/dh)

Tusma-bixiye, horkace, wade.

Tilmaame

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-mayaal, m.l/dh)

(kiim.) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaa-mayaal gaar ah.

Tilmaame

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-mayaal, m.l/dh)

(nax.) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga tilmaame

ta | taa | ka | taas | asiidh-cabirid | bartilmaameed | cagaarshow | kaas | kaas | kan |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg