qalfoon
(m.l)

1. Wax gudo leh oo dubkii sare oo muuqda mooyaane aanay hoosta waxba kaga jirin. 2. ld qamboob 3. Geed faalala oo miro kulkulucsan leh oo arigu aad u jecelyahay kana mid ah geedaha wax lagu daaweeyo. 4. Qaybta sare ee lafta madaxa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalfoon

qamboob [m.l]
(qamboob, m.dh) Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. ld qalfoon (2).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg