qoy
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-yay, -yday)Wax qoyaan gaarsiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoy ↴
laabqoyan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan.
laabqoyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho.
laabqoyanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabqoyan². ld laabqoyanaansho.
laabqoyanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld laabqoyanaan.
laandhici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigayo geed qoyan u dhigid.
qaajeer [m.dh]
Uskag cad oo jirka dadka, dharka iwm ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
raafdillaac [m.l]
(daaw.) Cudur ku dhaca labada raaf ee xoolaha dhexdooda oo ka dhasha qoyaanka. ld raafqarrar.
raas [m.l] (-sas, m.l)
1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. ld raasi.
xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.
yarad [m.l]
Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.