samatabbax
(m.l)Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. ld sabatabbax¹.
samatabbax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -bixi)1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. ld sabatabbax².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh samatabbax ↴
badbaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld badbaadayso.
badbax [m.l]
Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iwm.
badbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iwm xagga badda u guurid (reero).
gaasabbax [m.l]
1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid.
sabatabbax [m.l]
ld samatabbax¹.
sabatabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday: -bixi)
ld samatabbax².
samatabbixid [m.f.dh]
eeg samatabbax². ld sabatabbixid.
siraadkor [m.l]
Ka samatabbaxa dhibaato cid haysata.