saran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax la saray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saran ↴
gabareymaanyo [m.dh]
Nafley la rumeysan- yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.
saranji [m.l] (-iyo, m.dh)
Ku xigeenka naaquudaha doonta.
saranseer [m.l]
Dhibaato ka timid arrimo isdaba joog ah oo waxyeello leh.
saranseer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhibaato weyn oo arrimo isbada joog ah ka dhalatay la kulmid.
saranseerid [m.f.dh]
eeg saranseer².
saransoor [m.l]
1. Meel laba wax iska galaan; iran. 2. Dalandool.
sarnaan [m.f.dh]
eeg saran. ld sarnaansho.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg