tumay
(m.l) (-yo, m.dh)

1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tumay

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

rabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Bir la tumay soofeyn.

beriberi [m.l]
(daaw.) Cudur ka yimaada cunnoxumo gaar ahaan fiitamiin B1 la'aan. Waxuu ku badanyahay dadka badsada cunidda badarka ama bariiska la tumay. Kaasoo xuubka laga qaaday, xuubka waxa ku badan fiitamiin B1.

biif [m.l]
1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.

biif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.

budul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.

cuddad [m.dh] (-do, m.l)
1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah.

dayaan [m.l]
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.

deynhilato [m.dh]
Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo.

dhabaq [m.l]
1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg