adag
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4)(adkaa, adkayd; ad'adag) 1. Wax aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo karti leh ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adag ↴
aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
da'aa [m.l (c.cimi.)]
Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
maaci [m.dh]
1. Geedaha intooda dhuuxa adag.
2. Waxkastoo adag.
ubur [m.dh] (-rro, m.dh)
Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur. abur
yaadaddo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo. caanaqub, kashiito, dhiddo
haad-ka-adag [m.dh]
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo
dhaadheer leh.
baad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
haalbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.
jaamuus [m.dh]
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.