akhris
(m.l)ld akhriyid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh akhris ↴
raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).
aayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
akhrisasho [m.f.dh]
eeg akhriso².
akhriso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Haweenay raadiyaha, telefiishinka iwm warka ka sheegta.
akhriso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax qoran daalacasho.
akhriyid [m.f.dh]
eeg akhri. ld akhrin, akhris.
biresbiyobiya [m.dh]
(daaw.) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
casiimo [m.dh]
Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. ld casiimad.
daalaco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
Si xasilloon wax u akhrisasho.