aljebra
(m.l)

(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aljebra

aragtiinka asaasiga ah ee aljebra [m.l]
(xis.) Isle'eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z + a,z + a z ... +a z + a =o, taas oo a , a , a ,... iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.

xeerka kala-dhigga [m.l]
(xis.) Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg