bado
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-atay, -adatay)

Wax tiradooda kordhid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bado

badasho [m.f.dh]
eeg bado.

badow [m.l]
(badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.

badownimo [m.dh]
Badow ahaansho.

badwi [m.l]
(badwi/-iyo, m.dh) ld badow.

kelli-badeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.

marin-cidhiidhi [m.l] (-nno ..., m.dh)
(juqr.) Luuq badeed isku xidha laba badood oo waaweyn, waxa laga yaabaa inuu sameeyey dillaac-qoori gudbani, ama bad daafaha mareysey oo hoos u degtey ama carro guur.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg