balaf
(m.dh)War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.
balaf
(m.l)Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid.
balaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lfay, -laftay)ld balfi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balaf ↴
balafbalafsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
balafbalafsiin [m.f.dh]
eeg balafbalafsii.
balfi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².
jadhaabalaf [m.dh]
ld jidhaabalaf.
jidhaabalaf [m.dh]
War aan dhabtiisa la hubin. ld jadhaabalaf.
kabalafuq [m.l]
Roob aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabta soo raacda; kablakac.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg