balfi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balfi

balaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lfay, -laftay)
ld balfi.

balfid [m.dh]
ld balfin.

balfin [m.f.dh]
eeg balfi. ld balfid, balfis.

balfis [m.l]
ld balfin.

gabbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nabar la soo tuuray balfin, weecin, celin.

jalfi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax socda lugaha isugu marid. 2. Balfi; dalfi.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg