barbaarin
(m.f.dh)

eeg barbaari.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barbaarin

edbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.

rabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.

abab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm ku barbaarin. ld abaab².

barbaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.

hanuuni [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.

koolkooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin.

tarbiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg