beeyo
(m.dh)

Xabag udgoon, lagu uunsado oo ka baxda geedaha meyddiga moxorka, guraha iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beeyo

falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

foox [m.l]
Xabag laga helo geedaha qaarkood, sida maydiga oo loo shito udgin; beeyo; luubaan.

moroh [Magac Lab | Noun Masculine]
(moroh, m.dh) Jaad ka mid ah dhirta oo dhala beeyo udgoon.

moxorlo' [Magac Lab | Noun Masculine]
Nooc ka mid ah geedka moxor oo beeyo dhala.

moxormadow [Magac Lab | Noun Masculine]
Nooc ka mid ah geedka moxorka oo beeyo madow dhala. ld moxormadoobe.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg