billaabo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-lowday, -laabatay)ld bilaabo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh billaabo ↴
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
bilaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-lowday, -laabatay)
Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. ld billaabo.
hawlgal [m.l]
1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hoobeyaa [m.l]
Halqabsi lagu billaabo ama loo adeegsado huwaaleyda oo ah heesta carruurta lagu hurdisiiyo.
ilmo-calooleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
kow [m.dh.t]
Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.
milixsanaan [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(juqr.) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
moos-wabiyeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
roob-deyreed [m.l] (-roobab ..., m.l)
(c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ee ugu badan roobabaka ka da'a Bariga Afrika, sannadkii, laga billaabo Oktoobar ilaa Disembar.