booji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh booji

boojimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.

boojin [m.f.dh]
eeg booji.

boojis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.

boojisnimo [m.dh]
Boojis ahaansho.

dabboojiye [m.l] (-jayaal, m.l/dh)
1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.

qabooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.

qaboojin [m.f.dh]
eeg qabooji.

qaboojisasho [m.f.dh]
ld qaboojiso.

qaboojiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax, wax qabow ka dhigasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg