Boor

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

Boor

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

ld boorid.

Boor

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iwm sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga boor

maajeen | ugar | uuro | xaani | abaaseere | aboor | aboor | aboornimo | baasaboor | baasaboorto |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg