bu'o
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-'day, -'dday)

Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bu'o

balaasmoodiyam [m.l] (-yo, m.l/dh)
(baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.

bu'asho [m.f.dh]
eeg bu'o.

bu'o [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-'day, -'dday)
Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.

fallaadh-cireed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.

muruq miiqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka koobanyahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg