bukaan
(m.l) (-nno, m.dh)Qof bugta badan, jirroole. ld bugtaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bukaan ↴
saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.
astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.
baano [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-ntay, -natay)
1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
bug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
(bukay, bugtay; buki) Qof, wax bukaan ah ahaansho.
bugtaan [m.l]
ld bukaan.
bukaani [m.l]
ld bukoni.
bukaanjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
Qof bukaan ah oo isbitaal la seexshay si loo daaweeyo.
bukaannimo [m.dh]
Bukaan ahaansho.