bun
(m.l)

1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bun

saanad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-do, m.dh)
Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.

xabbad [m.dh]
1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.

xabbadqaad [m.l]
1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.

adaarbiciid [m.l]
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.

ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

ammuur [m.l]
Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. ld amuur.

bamgaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
Meel bumbo la dhicid. ld bangaree, bongaree, bungaree.

bamgareyn [m.f.dh]
eeg bamgaree. ld bangareyn, bongareyn, bungareyn.

banaadiiq [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg buntuq. ld banaatiiq.

banaatiiq [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
eeg buntuq. ld banaadiiq.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg