Cabbaar

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rro, m.dh)

1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

Cabbaar

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rro, m.dh)

1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.

Cabbaar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

Masaafada rati rarani ku daalo.

Cabbaar

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

Rati raran daalid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga cabbaar

cabbaad | cabbaarid | camcamo | gadangato | waraasi |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg