caw
(m.l)1. Dhinac; dhan. 2. Aagga u dhow meel. ld caaw¹.
caw
(m.dh)Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iwm. oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. ld caaw².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caw ↴
qaabbilo [m.dh]
Maalinta uu dirirku la fadhiyo
dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay
maalin cawo leh.
yaahuu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
naacawsasho [m.dh]
ld neecawsasho. neecawsasho
naacawso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld neecawso. neecawso
jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
baad [m.l]
1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baal
jaan [m.l]
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
nabaad [m.l]
Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.
or [m.l] (orar, m.l)
1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.
raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.