nabaad
(m.l)

Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabaad ↴

nabaaddiinaxir
[m.l]

(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)

Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

nabaaddiinaxirid
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg nabaaddiinaxir².

nabaaddiinee
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)

1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.

nabaaddiineyn
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg nabaaddiinee.

nabaaddiineysan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)

1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.

nabaaddiineysnaan
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg nabaaddiineysan. ld nabaaddiineysnaansho.

nabaaddiineysnaansho
[Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]

ld nabaaddiineysnaan.

nabaaddiino
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg