ceel
(m.l) (-lal, m.l)

God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iwm.

ceel
(m.l) (-lal, m.l)

(jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ceel

aaf [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.

aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka laga qoro”.

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji

kaalin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.

maalinjoog [m.l]
1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. ld maalinjoogid. Booqasho hal maalin ah.

okhole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaaggaaban biyaha looga soo darsado.

raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

sabarad [m.dh] (-do, m.l)
Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg