cimil
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cimil

da'aa [m.l (c.cimi.)]
Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

oomane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).

oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

boodsol [m.l]
(juqr.) Nooc carro oo astaan u ah gobollada leh cimilada cirif-hoosaad, oo ah ka ay ka baxaan inta badan dhirta dabiiciga ah ee caleen irbadleyda.

cilmi haweed [m.l]
Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.

cilmiga cimilada [m.l]
Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah.

cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

cimilada lamaddegaanka [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg