Dabar

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rro/-bro, m.dh)

1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.

Dabar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).

Dabar

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bray, -bartay; -bri)

Sac ama geel dabar ku xirid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dabar

jaanguur | jaanguuri | kaaftoon | qaate | abla'ablayn | alkiin | baalentoloji | bawne |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg