dareenwade
(m.l) (-dayaal, m.l/dh)

(c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dareenwade

fadhaq-dareen [m.l]
(daaw.) Miiqaqo dareen- wadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.

guntin-dareen [m.dh] (-no ..., m.dh)
(c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.

habdhiska dareen-iswada [m.l]
(c.nafl.) Qaybta dareenwadka dhexe ee lafdha-barleyda taas oo ka qaada guyooyinka dareenwade qaabilayaasha, geysana miiq-yada muruqyada sisiban ee wadnaha, dheefmareenka iyo organnada kale ee gudaha.

ikaynoodeermaata [m.dh]
(baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.

isgoyska dareenwadaha aragtida [m.dh]
(isgoysyo ..., m.dh) (daaw.) Labada dareenwade ee aragtida oo mid il ka yimid meesha ay isku gooyaan oo ku beegan xarriiqda maskaxda kala barta una dhow qanjirdhiiqa “bitwitariga” dareenwada-yaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa sanka xiga ee il walba waxay kudarsamaan dareenwadayaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa dibedda xiga ee isha kale. Cadadka aragtida oo ka sameysma isku darsankaas kaddib waxay kala nadan qoqob maskaxeedka jeegada ee labada dhinac.

jirrid-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.

ratiina [m.l]
(c.nafl.) Xuub xasaasi u ah ilayska oo ku dhereran gudaha hore ee isha. Retiinuhu wuxuu ka koobanyahay laba lakab. Lakabka hoose, wuxuu ka koobanyahay unugyo dareenwade, dhuu-mo dhiig iyo laba nooc oo unugyo xasaasi u ah ilayska. Lakabka sare wuu midabay-sanyahay, kaas oo ka hortagga ilays noqod-ka dambe ee ilayska.

sinaab [m.l] (-bbo, m.dh)
(c.nafl.) Barta ay ku kulmaan laba dareenwade oo deris ah,taas oo ah inta u dhaxaysa dhammaadka miiq dareenwade iyo fadhaq dareenwadaha kan ku xiga. Sinaabyada xuubabka labada unug aad ayey isugu dhawyihiin. Gujada dareenwaduhu waxay kaga gudubtaa sinaabka miiq dareenwadaha caaradiisa oo soo daaya walax dareen-mootiye; taas oo dhex gesha ugana gudubta dululaatiga sinaab fadhaq dareenka dareenwadaha ku xiga.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg