dhacle
(m.l)ld dhaacle.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhacle ↴
dhaaclaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaacle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
dhaaclee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.
dhaclee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
ld dhaaclee.
gebidhacle [m.l]
Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. ld gebidhaclay.
gebidhaclee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhici.