dhafar
(m.l)1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid.
dhafar
(m.dh)Habeen dhan oo digri lagu soo jeedo gaar ahaan siyaarooyinka.
dhafar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fray, -fartay; -fri)Habeen dhan soo jeedid (cid).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhafar ↴
waari [m.l]
Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex.
dhafarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).
dhafarsanaan [m.f.dh]
eeg dhafarsan. ld dhafarsanaansho.
dhafarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhafarsanaan.
dhafaruur [m.l]
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
dhafri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.
dhafrid [m.f.dh]
eeg dhafar³. ld dhafar¹ (3).
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg